Cabdi Weli Gaas oo sheegay halka ay u aqoonsan yihiin Difaaca Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay dadaalada uu maamulkiisa ku hormarinaayo kala sareysiinta Degmooyinka hoostaga maamulka.

C/wali Gaas ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dhammaan Degmooyinka maamulka ay yihiin kuwo ahmiyad u leh horumarka uu tiigsanayo Maamulka Puntland.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka Puntland uu magaalada Gaalkacyo u aqoonsan yahay Difaaca Deegaanada kale ee Maamulkiisa.

Waxa uu sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay horseed u tahay magaalooyinka kale ee hoostaga Degmoyinka Puntland, waxa uuna shaaca ka qaaday inaanu jiri doonin awood ka weyn tan uu leeyahay maamulka Gaalkacyo.

”Maamulka Puntland waxa uu difaaca koowaad u aqoonsan yahay Magaalada Gaalkacyo oo magaalooyinka kale uga horeysa waxyaabo badan”

C/wali Gaas ayaa sheegay in sababta ay Magaalada Gaalkacyo uga dhigeen Difaaca Puntland ay tahay micno meesha ku jira waxa uuna carab dhabay in maamulka uu go’aansaday in Gaalkacyo ay Difaaca Puntland tahay.

Haddalka C/wali Gaas ayaa imaanaya xili Magaalada Gaalkacyo ay u qeybsan tahay labo qeybood oo kala ah Waqooyi iyo Koofur oo ay ka kala arimiyaan Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET