R/W Kheyre oo qaadaya tallaabo aysan qaadin madaxdii ka horeysay

Muqdisho (Caasimada online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la kulmay ganacstada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu qaadayo Tallaabo aysan qaadin xukuumadihii ka horeeyay.

Tallaabadaasi ayuu ku sheegay inay tahay isla xisaabtan dhab ah oo lagu sameyn doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo waxyaabaha kala duwan ee ay kasoo dajinayaan dekada magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka ilaalin doonaan in waxyaabo dhacay ganacstada Soomaaliyeed ay kala soo dagaan magaalada Muqdisho islamarkaana dadka loo gudbiyo.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadiisa ay taasi balan ku qaaday ayna tahay waqtigii isla xisaabtanka dhabya ah uu dhici lahaa.

“Xukuumadayda waxay sameyneysaa isla xisaabtan dhab ah, waxaan u mahad celinayaa ganacsatada dadaalkii badnaa ee ay sameeyeen, wax walbaa oo dalka la keenayo waa la hubinayaa waana isla xisaabtameynaa”ayuu yiri R’wasaare Kheyre.

Hadalkaan ayuu jeediyay kadib Kulan uu la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET