Korontadii xalay ka tagtay Aqalka Sare (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ay ka qeyb galeen madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya, taasi oo loogu talo galay fasaxa ay galayaan xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka.

Munaasabadaasi waxay ka dhacday xarunta xildhibaanada aqalka sare oo ku taala degmada Shibis, waxaana goob joog ahaa madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, afhayeenka baarlamaanka, guddoomiyaha aqalka iyo guddoomiyaha maxkamada sare.

Sidoo kale masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasanada waxaana madaxda loo xiray waddooyinka gala xarunta xildhibaanada aqalka sare ay ku leeyihiin degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Heeso iyo guubaabo badan kadib markii la gudo galay jeedinta khudbadaha ayaa waxaa mar qura tagay korontada goobta, waxaana muddo la sugayay soo laabashadeeda balse ma aysan dhicin.

Korontada ayaa la sheegayaa inay soo laabatay markii madaxda ugu sareyso dalka ay raaceen gaadiidkooda oo ay usoo jaheysteen xarunta madaxtooyada, laakiin madaxda kuma aysan laaban goobta.

Waxaa la isweydiinayaa sababta korontada ay u baxday, waxaase loo malaynayaa inay tahay cilad dhanka dab dhaliyaha (Matoorka).

Waxaa socdo dadaalo ay wadaan guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka oo ku aadan sidii loo heli lahaa matooro kale oo korontada dhaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET