26.1 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Xog: Imaaraadka oo wada qorshe ka dhan ah howlaha Turkiga ee Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabka oo kamid ah Dowladaha galaangalka Siyaasadeed ku leh Somalia, ayaa wada dadaal ay ku hantineyso maamulka Dekadda magaalada Muqdisho.

Dowlada Imaaraadka ayaa waxaa qorshahaani ku garbinaaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada federaalka ah ee Somalia.

Wasiirada iyo Xildhibaanada garabka siinaaya dowlada Imaaraadka Carabta ayaa qeyb ka ahaa xubnihii sida dhow ula shaqeyn jiray Madxaweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo garab dhaqaale ka heli jiray Imaaraadka Carabta.

Dowlada Imaaraadka ayaa la wareegida maamulka Dekadda magaalada Muqdisho u cuskaneysa in dowlada Turkiga aysan fulin howlihii laga doonaayay inay kusoo kordhiso Dekadda.

Qorshahaani ay Imaaraadka ku dooneyso la wareegida Dekadda magaalada Muqdisho, ayaa waxaa sidoo kale, April 11, 2017 kawada hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Isu-taga Imaraadka carabta, Sheekh Mohamed bin Zaayed Ala Nahyan.

Sheekh Mohamed bin Zaayed Ala Nahyan, ayaa dhigiisa Somalia usoo bandhigay suuragalnimada in Imaaraadka lagu wareejiyo maamulka Dekadda Muqdisho, hase yeeshee ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Farmaajo uu ka gaabsaday arrinkaasi maadaama uu xiriir wanaagsan iminka kala dhexeeyo dowlada Turkiga ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Erdogan.

Dowlada Imaaraadka ayaa tan iyo markii uu xilka hayay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku hamineysay in lagu wareejiyo dhammaan mashaariicda ay Turkiga ka wado Somalia, waxaana xusid mudan in shuruudaha ay Imaaraadka ku taageereysay Xasan Sheekh uu kamid ahaa in lagu wareejin doono Mashaariicda haddii uu soo laabto.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalin karin suuragalnimada in Wasiirada iyo Xildhibaanada ka tirsan DFS ay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ka dhaadhiciyaan in Imaaraadka lagu wareejiyo Dekadda Muqdisho.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News