Somaliland oo ka hadashay suura-galnimada in Somalia laga qaado cunaqabateynta Hubka

Hargeysa (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay suuragalnimada in cunaqabateynta Hubka laga qaado Somalia.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga walaacsan tahay dadaalada socda ee lagu doonaayo in DFS loo ogolaado iibsashada iyo isticmaalka Hubka waaweyn.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland ay caqabad u aragto in DFS loo ogolaado Hubka wax gumaada waxa uuna sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in adduunka ay u iftiimiso dhibaatada ay leedahay in Somalia dib looga qaado cunaqabateynta Hubka ee saaran.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa walaac ka muujiyay in xilligan la qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya, oo ay qeyb ka tahay qorshaha amniga Qaranka.

”Waa halis cusub haddii ay dhacdo in Somalia loo fasaxo isticmaalka ama iibsashada Hubka horay looga mamnuucay”

”Somaliland caalamka wey ku wargalin doontaa inaanu suuragal aheyn in xiligaani Somalia loo ogolaado in laga qaado cunaqabateynta Hubka”

Sidoo kale, Dr. Sacad Cali Shire waxa uu cadeeyay in Somaliland aysan ka qeybgali doonin shirka la filaayo inuu ka furmo magaalada London.

Shirka ayaa lagu ballansan yahay inuu furmo 11-ka bishan, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET