Muxuu Jawaari ka yiri loolanka shaqo ee BF Somalia uu kula jiro Aqalka Sare ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wada shaqeynt BFS kala dhexeysa Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in BFS uu xiriir dhow la leeyahay Aqalka Sare waxa uuna tilmaamay inaanu meesha ka marneyn is dhaafsiga qodobada shaqooyinka ee mideynkara.

Jawaari waxa uu tilmaamay in wada shaqeyn Fiican ay ka dhaxeyso Xildhibaanada Aqalka Sare iyo sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Jawaari waxa uu carab dhabay in dhismaha Aqalka Sare kadib uu walaaca ahaa mid ka taagan wada shaqeyn la’aan iyo isku dhexyaac ka dhex dhashay labada Gole balse hadda ay howshu tahay mid degan isla markaana Golo waliba uu howshiisa u wato si sharci ah.

Si loo saxo khaladaad ka dhex dhasha labada dhinac ayuu sheegay in la sameeyay guddiyo labada dhinac oo bishiiba mar kulma kuwaa oo isla eegaaya sixida iyo hagaajinta haddii ay jiraan khaladaad dhacay.

Sidoo kale, Jawaari waxa uu sheegay inuu jiro loolan shaqo oo ka dhexeeya labada Gole waxa uuna sababta ku sheegay in Golo waliba uu shaqada ku dhiiri galiyo Golaha kale si uu halkaa uga dhaco loolan shaqo.

Geesta kale, Guddoomiyaha Golaha BFS ayaa Xildhibaanada labada dhinac ugu baaqay inay daacad u noqdaan shaqooyinka Qaranka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET