Xubno mucaarad ku ah Jubbaland oo ka qeyb galaya shirka London iyo Axmed Madoobe oo…

Muqdisho (Caasimadda Online) – 11 Bishaan waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ka furi doono shir looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeyb geli doono Dowladda dhexe, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dad kale oo lagu casuumay.

Shirkaas waxaa lagu casuumay garabka Mucaaradka ku ah Maamulka Jubbland, waxaana hoggaamiye u ah Xil. Maxamed Cali Yuusuf, waxayna dhawaan ku dhawaaqeyn inay sameysteen Janaaxa mucaaradka ee Axmed Madoobe.

Ilaa hadda lama ogo sababta rasmiga ah ee keentay in lagu casuumo shirka London, haddana waxay heleen casuumaad rasmi ah, waxaana laga yaabaa inay midaas saameyn ku yeelato xiriirka ka dhaxeey dowladda dhexe iyo Maamulka Jubbland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Junaaxaan mucaaradka ku ah Jubbland oo ka qeyb geli doono shirka London ayaa shalay Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ay uga hadlayeen sababta keentay inay mucaaradaan Maamulka Jubbland, wuxuuna war saxaafadeedkooda u qornaa sida soo socoto:

BAYAANKII  JINAAXAMUCAARIDKA BARLAMAANKA JUBALAND

Sida la wada ogsoon yahay, Soomaaliya waxay ka soo kabanaysaa tacaddiyaadkii ka soo gaaray dagaalka sokeeye. Waxaa maanta u dhisan dowlad dhexe oo federaal ah, taas oo ka soo baxday ku meel gaarkii. Dowlad xubnaheeda labada aqal iyo af-hayeenadooda ay ku yimaadeen hannaan talo-wadaag ah. Waxaa kale oo Soomaaliya u dhisan maamul-goboleedyo, kuwaas oo ay xildhibaanno ka yihiin xubno ay beeluhu soo doorteen. Sidaas ayaa siyaasadda Soomaaliya waxay ku noqotay mid ku dhisan demoqraadiyad uu qabiil ku lammaanan yahay. Waa arin caalamka ku cusub oo Soomaalidu ay kaga duwan yihiin maamullada adduunka ka jira.

Waxaa hubaal ah Dulmi-falkii iyo gaboodkii loo adeegsanayay qabiilka, in-kasta oo ay ku hartay bulshada kuwooda ugu caqliga liita, misana arintaasi waa mid soo gaba-gabowdey. Waxaa kale oo hubaal ah mushkiladda keliya ee Soomaaliya maanta ku hartay in ay tahay mid u baahan in lagu xalliyo talooyin iyo guddoon la wadaago oo ku yimaada wada-hadal iyo isu-tanaasul. Taasina waxaa horseedi kara barlamaannada ay bulshadu doorteen

Maanta, culeyska haysta bulshada Soomaaliyeed waxaa xalkeeda laga doonayaa barlamaannada u dhisan maamul-goboleedyada oo uu waalid u yahay barlamaanka dowladda dhexe ee federaalka ah. Laakiin nasiib-darrida jirta ayaa waxay tahay, xildhibaannadii ay beeluhu u soo doorateen in ay wanaag ku matalaan bulshadooda, ayaa intooda badan waxay noqdeen laba qaybood. Qayb ku danaysta xilkii ay hayeen iyo qayb aanan aqoon u lahayn masuuliyadda barlamaanka.

Maamul-goboleedka Juba-land wuxuu xubin ka yahay dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Barlamaannada maamul-goboleedyada kale ee Soomaalida u dhisan, wuxuu la qabaa gaabiska waajibaadkii waddaniga ahaa ee laga filayay in ay fuliyaan. In ay horseede ka noqdaan yagleelka dowlad caga-dhigata oo bulshada Soomaaliyeed ay tiigsanayso si ay uga baxdo saboolnimada, arradnaanta, colaadda, jahliga, cudurrada, qaxa iyo magac-xumida. Barlamaanka Juba-land waxaa u gaar ah arimo uu keli ku yahay, oo ay kamid yihiin:

1) Juba-land waa degaanka ugu nasiibka daran ee dhaawacyadii dagaalka sokeeye ay soo gaareen. Iyada oo gobollada Soomaaliyeed ay ka biskoodeen colaaddii dagaalka, ayaa Juba-land waxaa ka holcayay dhimbilihii colaaddaas. Sidaa darteed dadka iyo hantida kaga lumay waxaa la oran karaa ma-jiro gobol lamid ah.

2) Juba-land waa maamul-goboleedkii labaad ee ka dhisma Soomaaliya. Isla-markaas waa maamul-goboleedka keliya oo xubnahooda barlamaanka ay ku salaysan yihiin qaab degmooyin, inkastoo habkii loo qeybiyey uu ahaa mid cadaaladda aad uga fog.

3) Juba-land waa degaan ay ku dhaqan yihiin dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee ah afarta iyo barka xarig. Sidaa darteed barlamaankooda waa madasha keliya oo maamul-goboleedyadu leeyihiin oo ay ka muuqdaan xubno matala shantaas xarig.

4) Juba-land waa gobol xuduud la leh laba dal oo waawayn, kuwaas oo Soomaaliya la deris ah. Labadaas dal oo kala ah Kenya iyo Itoobiya ayaa masaalix xiriirsan ay naga dhexeysaa. Amniga iyo dhaqaalaha oo saldhig u ah nolosha aadamiga ayaa ina xiriirinaya. Sidaa darteed gobolka Juba-land wuxuu xudun u yahay xiriirka saddexda dowladood iyo dad-waynahooda.

Iyada oo gobolka uu leeyahay ahmiyaddaas siyaasadeed ayaa misana waxaa u weheliya ahmiyad dhaqaale. Saddexda gobol oo Juba-land ay ka kooban tahay (Gedo, Jubada-dhexe iyo Jubada-hoose), gobol walba iskiis ayuu wuxuu uga yahay gobollada ugu hodansan Soomaaliya. Hantida ma-guurtada ah oo degaanku leeyahay ka-sokow, gobolladan waxay ku dhacaan degaan istraateeji ah oo dowlado badan oo Afrikaan ah ku xiriirinaya waddooyinka ay ku gooshaan adeegyada ganacsiga caalamka.

Haddaba,Jinaaxa Mucaaridka Barlamaanka Juba-land, wuxuu soo bandhigayaa aragti siyaasadeed oo loogu danaynayo socodsiinta howlaha barlamaanka Juba-land. Wuxuu doonayaa in barlamaanka Juba-land uusan noqon mid magac u-yaal ah ee uu noqdo mid fuliya xilkii ay u dhaarteen. Si barlamaanka Juba-land iyo dad-waynaha gobolka ay u noqdaan kuwo wada-socda oo gacmaha is-haysta. Si ay meesha uga baxdo siyaasad u adeegeysa qof, jifi ama koox. Si ay u muuqato wanaagga iyo quruxda ay dowladnimadu leedahay. Si maamul-goboleedka Jubaland uu u noqodo sawir ay Soomaalidu ku deydaan. Jinaaxa Mucaaridka wuxuu soo bandhigayaa qodobo  siyaasadeed ee uu ugu adeegayo dad-waynaha, isla-markaas uu ku qurxinayo maamulka dowladeed ee inoo dhisan. Qodobadaasi waxay yihiin:

1) In barlamaanku uu noqdo mu´asasad ugu adeegta bulshada hab daacad ah ee waafaqsan xeerarka u degsan dowlad-goboleedka Juba-land, iyaga oo dhowraya dhaartii ay mareen, waana iney meesha ka saaraan cabsida xad-dhaafka ah ee ay ka qabaan Axmed Madoobe oo ah waan idin laynayaa iyo xilka ayaan idinka qaadayaa.

2) In barlamaanku uu noqdo midka dhowraya xaq-soorka iyo cadaalad wax ku-qaybsiga bulshada, isla-markaas uu ilaaliyo inaanan dad-waynaha loo adeegsan xoogagga caburinta ee dowladda.

3) In barlamaanku uu dar-dar geliyo shuruucda iyo xeerar-hindisaadka lagu hor-marinayo mu´sasaadka dowladda iyo kobcinta dhaqaalaha si bulshadu u gaadho nolol berya-samaad leh.

4) In barlamaanka uu hor-mood ka noqdo siyaasadda hufnaanta iyo daah-furka ee dowladda Juba-land, isla-markaas uu la yimaado hannaanka isla-xisaabtan iyo in sharcigu uu sareeyo ee aanan laga sareyn.

5) In barlamaanka uu u howl-galo nabadeynta beelaha degaanka si loo helo bulsho Soomaaliyeed ee ku wada-nool kalsooni iyo iskaashi, kuwaas oo deriskoodana kula nool nabad iyo iskaashi.

6) In barlamaanku, isaga oo madax-bannaan uu xiriir la samaysto barlamaanada Soomaaliya iyo kuwa dowladaha adduunka si ay uga kororsadaan khibradda iyo waaya-aragnimada la dheer-yahay.

7) In barlamaanku si xalaal ah oo xor ah uu u diyaariyo dhamaan doorashooyinka iyo aftida laga qabanayo Juba-land, iyada oo la wacyi-gelinayo dad-waynaha si ay u xushaan xubnaha ugu haboon oo siyaasadda ku matalaya.

Guddoomiyaha Jinaaxa

Xil. Maxamed Cali Yuusuf.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET