KASHIFAAD: WASIIRO ka tirsan DFS oo lagu qiyaameeyey qorshe Ina-Qanyare uu wato oo wax lagu dhacayo (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Somalia, ayaa shalay lagu qiyaameeyey qorshe dhul-boob ah, oo uu wato xildhibaan Cadbi Weli Maxamed Qanyare, oo isku dayaya inuu dib u helo dhul uu horey u xoogay aabihiis dagaal-ooge Maxamed Qanyare, balse dib looga soo celshay.

Cabdi Weli Qanyare, oo aan weli sabrin, ayaa shalay waxa uu deegaanno ka tiran degmada Dayniile geeyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiir ku-xigeenka Amniga Qaranka Mudane Ibraahim Isaaq Yarrow, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Xirsi Aadan Rooble iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adda Duulista.

Cabdi Weli Qanyare, ayaa ugu sheekeeyey mas’uuliyiinta dowladda Somalia inuu doonayo inuu dib u howl galiyo garoon macmileedkii Dayniile, ee muddo badan uu xoogga ku haystay aabihiis.

Garoonkaasi oo laga sameeyeey dhul laga boobay dad kasoo jeeda beelaha Mataan Cabdulle, ayaa waxa ay dhulkooda dib u heleen, markii Qanyare ay ceyriyeen maxaakiimta Islaamiga ah.

Cabdi Weli Qanyare oo wasiiro geeyey dhulka oo boobayo
Cabdi Weli Qanyare oo wasiiro geeyey dhulka oo boobayo

Si kastaba, Cabdi Weli Qanyare, ayaa dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey dadaal ugu jiray inuu dib u boobo dhulkaas, waxaana dhowr mar qoryo u qaatay dadka dhulkaas lahaa, oo kasoo ceyriyey halkaas, hase yeehee Qanyare ayaa hadda alifay xeelad cusub, isaga oo adeegsanaya dowladda Somalia.

Wasiiradii uu halkaas geeyey shalay, ayuu ka dhaadhaciyey inuu doonayo inuu garoonka dib u howl-galiyo, si qorshihiisa uu ugu qariyo, ugana dhigo howl dowladeed.

Qorsheel iyo wasiirada kale ee la socday, marka laga reebo Mustaf Dhuxulow, wax xog ah kama hayaan taariikhda dhulkan oo dhowr mar hadda ka hor la isku dilay, balse uu ugu dambeyn xooggay Qanyare.

Dadka dhulkan iska leh, ayaa lasoo xiriiray Caasimada Online, waxayna uga digeen wasiirada dowladda Somalia ee halkaas tagay in loo adeegsado dhul boobka uu wado Cabdi Weli Qanayre, ayada oo looga dhigayo howl dowladeed.

Waxa ay sheegeen in qorshaha dhul boobka uu wax ka og yahay wasiirka warfaafinta Musraf Dhuxulow, oo Cadbi Weli Qanyare uu ka dhaadhiciyey inuu wasiiradan kale usoo kaxeeyo, sababta oo ah bay yiraahdeen “Maxaa wasiirka warfaafinta ka galay arrintan dhul iyo garroon, haddii aysan mid qabyaaladeysan ahayn?”.

Dadka la isku dayayo in dhulkan laga boobo, ayaa ugu baaqay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Muungaab inuu ka hor-taggo dhul boobka cusub ee uu wado Cabdi Weli Qanyare.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ayaa horey Ina-Qanyare uga hor-istaagay inuu dhulkan boobo, waxaana ay ka codsadeen Muungaab inuu raaco tallaabadii uu qaaday Tarsan.

Waxay ay sidoo kale ugu baaqeen beesha Wacbuudhan iyo beelaha kale ee Muddulood inay u istaagaan, sidii looga hortagi lahaa in reer Qanyare ay mar kale boobaan dhulkan.

Ugu dambeyntii, ayaa dadka la isku dayayo in dhulkooda la boobo, waxay ay Qanyare uga digeen inuu qaado mas’uuliyadda dhib kasta oo ka dhasha dhul boobkiisa cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com