XOG: AXMED MADOOBE oo aar-gutay

Kismaayo (Caasimada Online) – Maleeshiyo daacad u ah hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa magaalada Kismaayo xalay ka fuliyey dilal qorsheysan oo ay ugu aargudayaan sarkaal shalay laga dilay.

Shalay, ayaa qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo waxaaa lagu qaarajiyey horjoogihii maleeshiyada Axmed Madoobe, oo baabuurkiisaqarax loogu xiray.

Maleeshiyada Axmed Madoobe, ayaa dilkaas ugu aarguday dilal ay xalay ka geysteen magaalada, waxaana wararaka Kismaayo naga soo gaaraya ay sheegayaan in dadka la dilay ay ahaayeen dad shacab ah.

Ka hor dilalka, ayaa la sheegay in Axmed Madoobe uu ciidankiisa ku amray inay ciqaabaan cid kasta oo ka dambeysay dilka horjoogihiisa.

Seddexda ruux ee Kismaayo lagu dilay ayaa mid kamid ah ,waxaa lagu dilay xaafada Farjano, halka labada kale lagu dilay xeebta magaalada Kismaayo.

Goobjooge ayaa Caasimada Online u sheegay in saddexda ruux ee magaalada lagu dilay ay raas kambooniyiinta ay la xariirinayan in ay ka danbeeyaan qaraxii shalay galab ka dhacay Kismaayo ee lagu qaarajiyey Maxamed Furre oo horjoogeyaasha raas kambooni ka mid ahaa.

Magaalada kismaayo ayaa tan iyo markii raas kambooni iyo ciidamada Kenya ay gacanta u gashay, waxaa dilalka loo geysanayo dadka shacabkaa ay noqdeen tusbax afka laga furay, ayada oo la bartilmaameedsanayo beelo gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com