Banaanbax ka dhan ah Gen Muungaab oo magaalada MUQDISHO ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbaxaan oo ay dhigeen qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa wuxuu maanta ka dhacay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Banaanbaxyaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kamid ahaayeen “Kaxda Diide dooni meyno”, kadib markii dhawaan gudoomiyaha gobolka Banaadir uu sheegay inuusan aqoonsaneyn degmada Kaxda.

Gudoomiyaha degmada Kaxda Cabdi Welli Yuusuf Cumar oo banaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay in Muungaab uusan awood u laheyn inuu kalsoonida kala laabto degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xitaa wasaarada arimaha gudaha aysan arintaasi ka hadli Karin, laakiin madaxweynaha dalka Soomaaliya uu soo fara-gelin karo.

Degmada Kaxda ayaa degmo loo aqoonsaday kadib markii wareegto ay kasoo baxday madaxweynihii dowladii KMG aheyd ee madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Caasimada Online

Caasimada@live.com

Xafiiska Muqdisho