Maxamuud Sayid Aadan oo shaaciyey in DF Soomaaliya ay wax ka ogeyd….

Baydhabo (Caasimada Online) – Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka lixda gobal ee Koonfur galbeed ayaa weerar ku qaaday dowladda Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay diiddan tahay maamulka uu madaxweyne ku xigeenka ka yahay.

Isagoo u warramayay VOA-da ayuu sheegay dowladda in aaney dacad ka ahayn maamulka lixda gobal, wuxuu yiri rabshadihii ka dhacay dalka waa ay ku lug lahayd.

Wuxuu sheegay dowladda in ay ogeyd in maamul lix gobal in lagu dhisay Baydhab, “Haddii aaney raali ka ahayn maamul kale waa ay dhihi kartay maamul kale lama dhisaayo, laakin raali ahayd ka ahayd wixii Baydhabo ka dhacay”ayuu yiri.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aadan ayaa carabka ku adkeeyay in uu maamulkooda uu shaqeyn doono isla markaana dowladda looga baahan inay taageerto rabitaanka shacabka ku dhaqan lixda gobal ee maamulka loo sameeyay.

Dowladda Soomaaliya waxa ay horrey u sheegtay in aaneyt aqoonsan doonin shirkar iska soo horjeedo ee ka socda Baydhabo kuwaasoo hadda isku badalay gacan ka hadal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com