Ururka dhallinyarada ee New Horizon oo qabtay kullamo aad muhiim u ah

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

New Horizon oo ah madal iyo urur  dhallinyaro oo lagu daahfuray Maarso 20, 2014  magaalada Muqdisho. Hawlaha iyo barnaamijyada eey xoogga saarto waxaa ka mid ah; Agaasinka nolosha,  casharro-bixin ku aadan maareeynta awoodaha iyo xirfadaha dhallinyarada, kobcinta hal-abuurka iyo wax soo saarka da’ yarta, qorsheeynta hanka, hammiga iyo himilooyinka dhalinyarada, soo saarista una dabbaaldegga haldoorka dhallinta Soomaaliyeed, khudbooyin guubaabo iyo dhiirigelin ku saleeysan, xoojjinta dhaqanka wadahadalka iyo isxilqaanka.

Waxaa eey Maarso 22, 2014 iyo Maarso 24, 2014 ku qabatay labo dood-wadaag oo lagu casuumay min 25 dhalinyaro oo isugu jiro arday jaamacadeed, ganacsatto da’ yar, macallimiin iyo shaqaale hay’addo iyo dawlad. Waxaa kaloo lagu casumay in uu khudbo ku saabsan  “dhisidda hammiga suuban” ka bixiyo tababare-nololeed iyo guubaabiye Mohamed Omer Osman oo ah aasaasaha iyo maamulaha Machadka Horumarinta Aadamaha ee magaalada Borama. Guubaabiye Mohamed Omer waxaa casharro iyo duruus qaabeeysan oo u horseedi karta dhallinta aqbalid nafsadeed iyo hammi wanaagsan uu ku billaabay 30 daqiiqo ee ugu horreeysay.

Waxaa kadib dooddu eey ku billaabatay falanqeeynta amuuraha iyo afaaraha Dhallinyarada. Waxaa la isla soo qaaday caqabadaha horyaalla in eey dhallintu gaarto guul waxbarasho, mid nololeed iyo mid ka qeeybgal bulshadeed. Iyadoo laga foogaanayo eedeeynta khaaska ah ayaa waxaa dhallintu iyo khubaradan da’da yar isku raaceen in eeysan xaq aheeyn in dhibaatooyinka oo kaliye loo nisbeeyo dhallinyarada waxii ka run ahaadaba. Waxeey soo hadal qaadeen in mashaariic badan oo magaalada iyo gayiga soomaaliyeedba lagu baraaray dhallinyaro horseed ka ahaayeen una ahaayeen.  Waxii dhibaato dalka iyo burbur ka dhacay ( ooy da’weeyntu hormuudka ka aheeyd) waxaa dhallintu buux-dhaafisay inta dugsiyo sare iyo jaamacado jira, inta macaahid jirta iyo inta olole nabaddeed dalka ka dhacay. Arrin taariikhiyana yaan laga tagin oo badankood inta kacaan adduunka ka curtay, shar iyo kheeyrba, dhallinyaraa hoggaamineeysay. Xagga shaqada waxaa ardaydu farta ku godeen in bulshadu, sida eey hadda u shaqeeyso, mudnaan iyo martabad xirfadeed midna shaqo lagu bixin inta badan oo eexdu aad u baahnsantahay. Shakhsiyaadka shaqada qora, teey ahaataba, eey un ku saleeyaan xulashadooda habka bulshaddu ku shaqeeyso. Shaqo la’aan baahsan in eey dalka ka jirto inta yaroo jirtana si toosan aan loo wada maareeyn.

Ka qeeybqaadashada siyaasadda in eeysan wali waxba ka caana-casaan waloow muddooyin farabadan lag celceliyay in loo baahanyahay in dhallinyarada laga muujiyo golaha awoodaha dawladda min heer degmo illaa intii eey mudnaan ku heli karaan. Waxaa hoosta laga xarriiqay in tani eeysan micnaheedu aheeyn in aan loo baahneey da’weeynta iyo intii bahda dhallinyaranimo aanan ku abtirsan laakiinse eey ujeeddadu tahay in qolo walba geeskeeda ka qabatto hawsha oon xer gooni ah loo wada deeyn. Ardayda jaamacaddu waxeey ku celceliyeen in sababta eey rabi lahaayeen in eey awood siyaasadeed gaareen eey tahay fududeeynta arrimo badanoo dhallinyarada curyaamiyay cidina ka war heeyn.

UMUURAHA U BAAHAN U-KUUR-GALID

Waxaa dhallinyaradu ka dhawaajisay in eey arrimo dhawr ah loo baahanyahay in loo kuurgalo si natiijooyin wanaagsan loo helo; isku-xirka dhallinyarada qurbaha ka timid iyo dhallinyarada dalka jooga. Waxaa dalka joogaa oo waliba aad u tiro badan dhallinyaro jaamacado dhammeeyay, mutacallimiin ah, shaqooyin wanaagsan haysta, dabaqada dhexe ee nolosha ku wada nool, dhaqdhaqaaqyo wanaagsan xag bulsho iyo xag iskaa-waax-u qabsaba ka wada. Dhallinyaro kale oo farabadanna waxaa eey ka yimaadaan qurbaha oo iyaguna isugu jiro muttacalimiin iyo shaqaale xirfad sare len. Ahmiyadda in al is waafajiyo tabartooda iyo tayadooda ayaa muhiim ah. In loo kale saarin “qurbo-joog” iyo “qorrax-joog” iyadoo looga dan leeyahay kala dhantaalid iyo qeeybin cuqdadeeysan.

Xagga jaamcadaha waxaa eey laga dhaawaajiyay in jaamacaduhu jeclaan lahaayeen in looga faa’iideeyo dhallinyarada qurbaha ka imaaneeysa in eey ka caawiyaan maaddooyinka luuqada ee ardays fasakla koowaad ah, khaasattan luuqada Ingiriisiga. In la billaabo oo si habsabi wanaagsan loo maareeyo barnaamij eey dhallinyaradu ku buuxin karaan baahidaas jirta si eey uga wada faaiideeystaan jaamcadaha dalka oo dhan.

Ugu danbeeyn, waxaa lasoo hadal qaaday muhiimada eey leedahay in lagu biiriyo saaxada dhaqanka bulshada tabar-nololeedyo xagga agaasinka nolosha (life coaching), waanooyinka fool-ka-foolka ah (counseling), khutbooyin gubaabo nolosha ah (Motivational lectures) iyo tababarro habka khudbo-jeedinta (public speaking).

Allaa weeyn ninkii aaminaa awood leh!

Mohamed Suldaan Nuur