NABADOON CAAN AHAA OO LA DILAY

Marka (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay nabadoon caan ahaa oo magaaladaasi si weyn looga yaqaanay, siday xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Nabadoonka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdow Xasan Cali, Waxaana la dilay xili uu marayay meel ku dhow gurigiisa.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in dilkiisa ay ka dambeeyeen labo ruux oo bastoolado watay, kuwaasi oo dilka ka dib goobta ka baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nabadoonka uu la shaqeynayay sirdoonka dowlada Soomaaliya ee magaalada Marka siday baahisay mid kamid ah Idacadaha Muqdisho, inkastoo dadka deegaanka ay ka gaabsadeen inay arintaani xaqiijiyaan.

Masuuliyiinta degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaanan wali ka hadlin dilka xalay ka dhacay degmada Marka ee gobolkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Marko

Caasimada@live.com