VIDEO: Xildhibaan shaaciyey dagaal 3 geesood ah oo ku wajahan A/Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxa uu Dowladdu ku eedeeyay in ay wado abaabul dagaaleed oo saddex geesood ah oo ka dhan ah Maamulka Jubba.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre iyo Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida General Daahir Aadan Cilmi (Indhe-qarshe), ay iyagu yihiin kuwa wada abaabulkaan dagaaleed, sida uu yiri.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in labadaan xubnood ay soo cusbooneysiinayaan dagaaladii Magaalada Kismaayo.

Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan dhinacyo kala duwan oo loo diyaariyay, in ay ka qayb qaataan fara gelin uu sheegay in Dowladdu ay ku sameyneyso Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Masuuliyiintaan, in ay doonayaan in Kismaayo ku soo celiyaan Ciidamada Dowladda, ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo, xilli uu sheegay inaanay taasi waxba ka gelin Dowladdu.

Majirto wax jawaab ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federalka ee Somaliya, oo ku aadan hadalka ka soo yeeray Xildhibaanka ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka.

Cabdi Rashiid Xiddig, ayaa ka mid ah ragga aadka ugu ololeeya maamulka Jubba, asaga oo dhinaca qabyaaladda ka eegaya.

Halkan ka daawo Xildhibaan Xiddig

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com