DFS oo niyad jebisay SHARIIF XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Federalka ee Somaliya, ayaa niyad jebisay xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxay si cad u naqdisay Maamulkii 3-da Gobol, ee Khamiistii looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, oo uu taageersaaa.

Maamulkaasi, ayaa shalay madaxweyne loogu doortay nin uu Shariif Xasan wato, islamarkaana ay qaraabo yihiin, kaasi oo uu si aad ah usoo dhoweeyey.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federalka Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa sheegay in Dowladdu uu u yaalo Sharci, isla-markaana sidii ay uga hor timid Maamulka 6-da Gobol, ay si lamid ah u naqdineyso Maamulka cusub.

Wasiiru Dowlaha, ayaa sheegay in Maamulkii 6-da Gobol ee Baydhabo looga dhawaaqay, uuba ka wanaagsan yahay, Maamulka 3-da Gobol ee la sheegay in Hotel Bakiin looga dhawaaqay.

Maamulka Koonfur Galbeed ee hogaankiisa loo doortay Madoobe Nuunow Maxamed, ayuu ku ammaanay in ay soo dhiseen Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanka, sidaana uu kaga wanaagsan yahay midka uu hogaamiyo Maxamed Xaaji C/nuur.

Haddii ay Dowladdu wax aqoonsaneyso, ayuu sheegay in ay aqoonsan laheyd Maamulka 6-da Gobol, inkastoo uu wareysigu ku xusay in Dowladdu ay horey aqoonsi u siisay Maamulka Jubba.

Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa sheegay in Dowladdu ay Maamulka 3-da Gobol u aragto wax iska dheel dheel ah, oo lagu carqaladeynaayo Maamulkii lagu dhisay Xarunta ADC.

Dhageyso: Maxamuud Macalin oo la hadlay VOA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com