Muxuu Xasan kala soo kulmay Kuwait?

Muqdisho (Caasimada) – Madaxweynaha Dalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib markii maalmo ay ku maqnaayeen dalka Kuwait.

Wafdiga madaxweynaha ayaa markii ay Muqdisho kusoo laabteen waxaa saxaafada la hadlay wasiirka wasaarada qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Saciid Cabdulaahi, waxaana uu sheegay inay wax wanaagsan kala soo kulmeen dalka Kuwait.

Wasiirka ayaa sheegay in Kuwait marka laga soo tago shirka Jaamacada carabta madaxweynaha dalka uu la kulmay masuuliyiin kale oo ka qeyb galayay shirkaasi, kuwaasi oo natiijo wacan ay kala soo kulmeen.

Ka hor inta madaxweynaha uusan kasoo dagin garoonka diyaaradaha  waxaa la xeray wadooyin dhowr  ah oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo lagu daadiyay ciidamo badan oo dadweynaha waddooyinka u diidayay.

Caasimada Online

Caasimada@live.com

Xafiiska Muqdisho