Maamulka Juba oo la saftay mid kamid ah maamulada Baydhaba laga dhisay

Kismaayo (Caasimada Online) – Masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatada maamulada dhawaan looga kala dhawaaqay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Maamulka Jubba ayaa sheegay inay taageersan yihiin maamulka seddexda gobol ee maalin ka hor looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ee Jubba Ibraahim Baajuun ayaa sheegay inay si aad ah usoo dhaweynayaan maamulkaasi, ayna la shaqeyn doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Mr Baajuun, ayaa cadeeyay in maamulka dhawaan laga dhisay Baydhabo ee seddexda gobol uu yahay maamulka saxda ah ee gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada maamulkaasi inay la shaqeeyaan dhankooda maamulka Jubba si buu yiri loo adkeeyo amaanka deegaanada gobolada labada maamul ay ka dhisan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com