Cabdi Xaashi oo dib loogu doortay Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada xubnaha kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay xerada teendhadhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, waxaana Senatarada cusub soo dooranayo ergo la soo xulay.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku soo baxay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen oo habeen ka hor isku diiwaan-geliyey tartanka doorashada ee Somaliland.

Intaasi kadib Cabdi Xaashi ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, wuxuuna helay 44 cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada kuraasta gobollada waqooyi.

Natiijadan ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, iyada oo loo saadaalinayey inuu ku soo baxayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo 4 sano soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda galayaa doorashada 5-ta kursi kale ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kuraasta dooranayo ayaa waxaa ku jira kuwa saameyn leh, isla-markaana isha lagu wada hayo waxaana ka mid ah midka ay ku tartamayaa saddexda musharrax ee kala ah Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, halka kan labaad uu noqonayo kursiga ay u tartamayaan Saalax Axmed Jaamac oo ah wasiirka dastuurka iyo Ibraahin lidle Saleebaan guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee dalka.

Waxa kale oo kursiga saddexaad ee la sugayo tartankiisa uu yahay midka ay u sharraxan yihiin Cismaan Abokor Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya iyo Cabdikariim Maxamed Xasan oo isna afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyey kursigaasi.

Si kastaba, doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa muddo waxaa ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn ay heshiis ka gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.