Daawo: Axmed Madoobe oo si cajiib ah uga hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay isugu yimaadeen ururrada bulshada rayidka Jubaland iyo hay’adaha kala duwan ee maamulkaas, waxuuna ka hadlay arrimaha doorashada iyo khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Waxuu sheegay in mowqofka Jubaland uu cadyahay oo arrimaha doorashada ay u daba fadhiyaan Ra’iisul wasaare Rooble oo meel fagaare ah uu kula wareejiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

“Ma laba labeynayo shaqada maanta dalka ka socota ee doorashada hoggaaminteeda waxaa iska leh golaha fulinta ee Ra’iisul wasaaruhu hoggaamiyo, waxaa lagula dhegan yahay inuu go’aan ka gaaro, oo maxkamad u diro kiiska gabar la dilay ee ma doorashuu qaban karaa? Arrinta Ikraan waxay banaanka soo dhigi doontaa dulmi badan oo horay looga geystay dalkaan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kiiska Ikraan sida cadaaladda loo waafajiyo ay tusaale u tahay shakhsiyada ra’iisul wasaaraha, isagoo sheegay in wado saxan uu u maray markii uu u xil-saaray inay baarto maxkamadda ciidamada.

“Waxaan dhihi lahaa Rooblow si cad ayey umadaan mas’uuliyadda kuugu dhiibatay ee qofka la dilay cadaalad u raadi oo gabadhaas kiiskeeda maxkamadda ciidanka ha qaado, doorashadana u qabo si xalaal ah oo yeysan noqon doorasho midida daabkeeda lagula heysto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Jubbaland.

Axxmed Madoobe ayaa Ra’iisul wasaaraha ka dalbaday in markii uu culeys dareemo uu golaha wadatashiga qaran isugu yeero, si wixii caqabad ah ay uga wada tashadaan.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan uga diyagayaa oo aan leeyahay kiiska gabadhaas yuusan ku sababsanin, mustaqbal xumo iyo madow siyaasadeed yuusan idiin hor seedin adiga iyo dad badan oo maanta siyaasada ku jira, arrinta doorashooyinka ka wareeg oo u daa ra’iisul wasaaha, kana dhaaf caqabadaha aad maalin kasta hor dhigeyso,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo, ka biloow daqiiqadda 6-aad