Cabdi Xaashi: Midnimada Soomaaliya iyo gooni isu-taagga Somaliland midna muqadas maaha (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta hadal ka jeediyey munaasabadii ay khudbadahooda ka jeedinayeen musharaxiinta Aqalka Sare ee xubnaha Somaliland, ayaa sheegay in markii laga hadlayo midnimada Soomaaliya ay reer waqooyiga iyo reer koonfurku hal heys ka dhigteen laba eraya oo midkood uusan sax aheyn.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in dadka reer koonfurka ah ay mar kasta dhahaan  midnimada Soomaaliya waa muqadas, halka reer waqooyiguna ay dhahaan gooni isu-taaga Somaliland waa muqadas, balse midkood labadaas eray uusan sax aheyn.

“Laba eray oo aan leeyahay midna sax maaha ayaa ka yeera halkaan iyo Hargeysa, waxaan qabaa labadaas eray midna muqadas maaha, waxaa muqadas ah kaliya Kitaabka Qur’aanka, labada dhinac waxaan u soo jeedinayaa inay aragtidaas meel iska dhigaan, waxa isku kaana diray waa baahi, dalkaana maaha kii lagu baahan lahaa ee aan wax wada qabsano,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Waxuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta ka dhisan tahay xukuumad xil-gaarsiin ah oo kaliya, isagoo dib u dhacaas ku eedeeyey dowladda madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo.

“Dowladdi waxay fulin weysay doorashadii, taasina waxay keentay in xukuumadda loodhiibo doorashada, waxaana hadda Ra’iisul wasaaraha ka sugeynaa in deg deg uu doorashada u dhameystiro, dadka Soomaaliyeed-na waxaan ka codsanayaa inay ku gacan siiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Cabdi Xaashi.

Hoos ka daawo