Daawo: Rooble oo ka hadlay afar qodob oo xasaasi ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta khudbad ka jeediyay kulankii hadal jeedinta musharraxiinta doorashada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi, taas oo ka dhacday xerada Afisyoone, ayaa ka hadlay dhowr arrimood.

Inta badan hadalka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu diiradda ku saarayay arrimaha doorashada ee hadda taagan, hase ahaatee Rooble ayaa si guud u soo hadal qaaday afar qodob oo uu ku soo daray khudbaddiisa.

1- Hufnaanta doorashada Aqalka Sare

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaarah wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in uu ku faraxsan yahay hannaanka guda galista doorashada gobollada Waqooyi ee Somaliland, taas oo uu sheegay “inay astaan u tahay sida ay Soomaaliya u aadday doorasho”.

Waxa uu dalbaday in la xaqiijiyo hufnaanta doorashada kuraasta Aqalka Sare ee hadal jeedinta musharraxiinteeda ay maanta qabsoontay.

“Waxaan farayaa dhammaan guddiyada doorashooyinka, guddiga wax dooranaya, odayaasha, iyo musharraxiinta, in la ilaaliyo hufnaanta doorashada, in la ilaaliyo caddaaladda doorashada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shacabka oo dhan ayuu sheegay in ay si gaar ah ula socdaan doorashada kuraasta Somaliland.

Isagoo taas sharraxayana waxa uu yiri: “Gobollada Waqooyi, Somaliland, waxay caan ku tahay doorasho hufnaan iyo caddaalad ah, sidaas darteed shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan indhaha ayay idinku hayaan, marka waxaan rabaa in ay noqoto doorasho lagu dayan karo oo taariikhda gasha.”

Odayaasha ayuu uga mahad celiyay “dadaalkooda”, waxa uuna ku adkeeyay in ay xaqiijiyaan caddaaladda doorashada, “oo ah mid dadka oo dhan deeqda”.

2- Farriin ku saabsan khilaafka hadda taagan

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa si kooban uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ay gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba laga hadal hayay dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay.

Inkastoo uusan si toos ah carrabka ugu dhufanin magaca madaxweynaha oo ay isku khilaafeen arrimo dhowr ah, haddana waxa uu sheegay in xaaladdu ay “mareyso meel wanaagsan”.

Shacabka ayuu u diray farriin uu ugu sheegayo in aysan khilaafkaas wax walwal ah ka qabin.

“Dalku maanta meel fiican ayuu marayaa, doorasho ayaan ku jirnaa, khilaafaad way iska imaadaan, carrab iyo ilko ayaa isugu dhow laakiin wax weyn ma aha, wax weynna yaan loo qaadanin, wax walba waxaa ka muhiimsan xasiloonida dalka, nabadgelyada, wada noolaanshaha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa in ay ilaaliyaan xasiloonida, cadowga shabaabna uusan ka faa’iideysanin waxyaabaha tuhunka abuuraya ama xaaladda uga sii daraya ee dhinaca siyaasadda ah. Wax weyn oo siyaasadda la isku hayo maba jiraan,” ayuu yiri Rooble.

3- Kiiska Ikraan Tahliil

Sida ay dad badanba ka war sugayeen, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa khudbaddiisa dhinacyada badan taabaneysay kusoo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ka tirsaneyd saraakiisha hay’adda Sirodonka aranka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, oo la la’yahay tan iyo bishii June.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan mar kasta u taaganahay caddaaladda, dhammaanteen caddaalad ayaa na deeqdo. Walaasheey, gabadheennii Ikraan Tahliil caddaalad way heleysaa, kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno inshaAllah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan, waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in “howsha lagu guda jiro, oo maxkamadda militariga loo xil saaray, go’aankeedana la wada sugayo”.

“Maxkamadda howlaheeda inay wadato ayaan rajeynayaa, horayna waan u faray haddana waan farayaa inay sida ugu dhakhsiyaha badan howlaheeda u billowdaan.”

Kiiska Ikraan ayaa la aaminsan yahay inuu xuddun u yahay khilaafka Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si aan qarsoodi ahayn oo toos ah isugu qabtay arrimaha ku biyo shubanaya kiiskan, sida uu BBC-da u sheegay Mursal Maxamed Saneey, oo ka tirsan macadka Heritage.

“Waa hal kiis oo isku wada xiran. Qof walba oo caqli leh, oo arrimaha Soomaaliya la socdana wuu garan karaa meesha ay wax ka khaldan yihiin. Haddii uusan jiri lahayn Kiiska Ikraan lama taaban lahayn taliyeyaasha, lagamana wada hadli lahayn amniga dalka, sidii uu u socday ayuuna u socon lahaa,” ayuu yiri.

4- In Aqalka sare uu noqon doono meel madax u ah dalka

Arrimaha uu khudbadda maanta ku sheegay Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah in uu doonayo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare, si uu u noqdo meel loogu soo hagaago Soomaaliya.

“Khilaaf kasta iyo isqabqabsi kasta wuxuu dhammaanaya amar ay doorashada noo hagaagto,” ayuu yiri.

Dowlad goboleedyada wali ku howlan doorashada Aqalka Sare ayuu ka dalbaday in ay soo dhammeystiraan kuraasta wali harsan.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq uga diro saaxiibbadeey dowlad goboleedyada oo aan rabo inaan u sheego in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u billaabaan Aqalka Hoose.”

“Waxaa kale oo aan rabaa inaan xasuusiyo siddeedda kursi ee Aqalka Sare ee ku hartay dowlad goboleedyada – 4 Jubaland, 2 Galmudug iyo 2 Hirshabeelle – inay sida ugu dhakhsiyaha badan usoo gudbiyaan,” ayuu yiri Rooble.

Marka uu Aqalka Sare istaago ayuu sheegay inuu noqon doono masiir loogu soo hagaagi karo arrimaha Soomaaliya.

“Marka lasoo afjaro doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, waxaan rabaa taariikhda inay gasho in la isugu yeero dhammaan xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya si ay si ay u sameystaan guddonkoodii iyo nidaamkoodii, sidaasna ay Soomaaliya u yeelato hay’addii ugu horreysay ee dastuuri ah, dalka uu u yeesho madax lagu soo hagaago, oo anigana ila xisaabtama anigana aan la xisaabtamo.”

Isbuuca soo socda ayaa la filayaa in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi lagu dhammeystiro, haddii kuraasta ka dhiman dowlad goboleedyada kale lasoo gudbiyana waxaa billaaban doonta howsha doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Isha: BBC