Maxay is-casilaada Filsan Cabdullaahi uga dhigan tahay siyaasiyiinta Soomaalida?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa go’aan cajiib ah oo ku dayasho mudan ku tilmaamay is-casilaada Wasiirkii Arrimaha Haweenka Ethiopia, Filsan Cabdullaahi Axmed.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in is-casilaada Filsan ay ka dhigan tahay in xilka uu qofku hayo ay ka muhiimsan tahay mabda’a iyo damiirkiisa dadnimo, taasi oo ugub ku ah Soomaalida, sida uu sheegay.

“Filsan C/laahi waxay iska casishay xilka wasiirka haweenka, dhallinyarada iyo dhallaanka Itoobiya. Waxay sabbab uga dhigtay in ay is diideen xaaladda laga doonayo in ay ku shaqeyso iyo mabda’a ay aaminsantahay, qiyamkeeda iyo damiirkeeda dadnimo. Waa arrin ugub ku ah dhaqan siyaasadeedka qowmiyadda Soomaaliyeed,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay tusaale wanaagsan u noqoneyso Jiilka Soomaaliyeed, si ay uga hortagaan cadowga ugu weyn ee siyaasadda, midaasi oo mas’uulka oo ka dhigta mid keliya ilaashada xilkiisa.

“Waxay tusaale u tahay jiilka Soomaaliyeed ee laga doonayo in ay jebiyaan cadawga ugu wayn ee siyaasadda Soomaalidu leedahay oo ah siyaasad ka maran mabda’a iyo mowqif sugan, qiyam iyo akhlaaq. Siyaasadda muufaysiga, maxaa iigu jira iyo macaashka maalinlaha ah.”

Filsan ayaa aheyd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee kashifa in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, waxayna is-casilaadeeda ku sheegtay sababo shaqsi ah oo aad ugu weyn damiirkeeda.

“Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida.

“Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.”

Bishii February ayay Filsan sheegtay in “shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara.

Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub.