Daawo: Mahdi Guuleed oo shaaciyey in kursiga Cabdi Xaashi lagula tartami doono – Maxaa cusub oo isbedelay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed ayaa shaaciyey in wax ka bedel lagu sameeyay liiskii musharaxiinta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib markii ay ka timid cabashooyin dhowr ah.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Kursiga 1-aad oo markii hore loo xiray Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi hadda dib loo furay, islamarkaana uu kula tartami doono musharax kale.

Musharaxa lala qorayo Cabdi Xaashi ayaa magaciisa lagu sheegay Saciid Cumar Xuseen, midaasi oo ka dhigan in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu wajahi doono loolan cusub.

“Nasiib darro waxaa markii hore weynay hal qof oo la tartama Kursiga 1-aad Guddoomiyaha, sidaasa ku shaacinay, hase yeeshe marka aanu la tashi sameynay oo dhageysanay odayaashii deegaanka ee Kursiga 1-aad, waxaanu soo xulnay Saciid Cumar Xuseen oo kula tartami doono kursigaas Guddoomiye Cabdi Xaashi,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Musharax cusub ee lala qorayo Cabdi Xaashi ayaa waxa uu imanaya xili uu Liiska musharaxiinta Somaliland ee ay hore u soo saareen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi u gudbay Guddiga doorashooyinka.

Lama oga in arrintaan ay Mahdi Guuleed ka wada socdaan Cabdi Xaashi, ayada oo walaac laga muujinayo inay abuurto khilaaf cusub oo curyaamiya doorashada kuraasta gobollada Waqooyi.

Si kastaba, waxay ku soo aadeysa tallaabadaan xili ay maanta qoraal cabasho ah soo saareen siyaasiyiin ka tirsan kuwa gobolada Waqooyi, oo ayagu ku eedeeyay Cabdi Xaashi inuu jebiyey habraacyadii iyo shuruucdii doorashooyinka ee lagu wada heshiiyey.

Hoos ka daawo muuqaalka Mahdi Guuleed