Senator-kii labaad oo maanta lagu doortay Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada xubnaha kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland oo maanta si rasmi ah uga billaabatay xerada teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayaa goordhoweyd lagu doortay Senator-kii labaad.

Kursiga 2aad oo ay ku tartamayeen Wasiirka Dastuurka dowladda federaalka Soomaliya, Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Ibrahim Iidle Suleymaan, ayaa waxaa ku guuleystay Saalax Axmed Jaamac.

Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac ayaa Kursiga 2aad ku helay codad gaaraya 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare uu helay 12 cod.

Waxaa billaabaneysa goordhow doorashada Kursiga 3aad, kaasi oo ay ku tartamayaa Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, waana mid isha lagu wada hayo oo saameyn xooga leh.

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay, Kursiga 1aad loo doortay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen oo habeen ka hor isku diiwaan-geliyey tartanka doorashada ee Somaliland.

Intaasi kadib Cabdi Xaashi ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, wuxuuna helay 44 cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada kuraasta gobollada waqooyi.

Natiijadan ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, iyada oo loo saadaalinayey inuu ku soo baxayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo 4 sano soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare.