Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed loogu geystay dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa magaciisa lagu koobay Axmed, waxaana dilka uu ka dhacay goob ganacsi oo uu ku lahaa deegaanka Ga-Mawa Block 7 oo u dhaw magaalada Tzaneen oo ka tirsan gobolka Limpopo ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka ay geysteen kooxo burcad ah oo weerar ku qaaday dukaanka ganacsadahaasi, iyaga oo dilay, kadibna dhacay goobtiisa ganacsi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xilliga la dilayey muwaadinkaasi ay la joogeen dhalinyaro kale oo Soomaali ah, kuwaas oo cagahooda uga baxsaday burcadda.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka dilka ah, kadib.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey deegaanka uu dilku ka dhacay, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajaha xaalado aad u adag.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo weerarada loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika