Senataro cusub oo maanta lagu dooranayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadaha soo socda ee maanta ka dhaceysa doorashada kuraas ka mid ah Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhinaca gobollada waqooyi ee Somaliland.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee gobollada waqooyi ayaa shaaciyey in ay maanta si rasmi ah u bilaabaneyso doorashadaas, isla-markaana la dooranayo illaa 6 Senatar.

Xubnaha tartamaya ayaa kala ah: 1.Cabdi Xaashi Cabdilaahi, 2 Siciid Cumar Xuseen, 1.Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahin lidle Saleebaan, 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaacil Samatar., 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali, 1. Cismaan Abokor Dubbe
2. Cabdikariim Maxamed Xasan, 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud Cabdi, 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi iyo 2. Saynab Axmed Boqore.

Kursiga ugu horreeya ayaa waxaa ku loolamaya Cabdi Xaashi oo afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Saciid Cumar Xuseen.

Sidoo kale kuraasta kale ee la dooranayo ayaa waxaa ugu saameyn badan, isla-markaana isha lagu hayaa midka ay ku tartamayaa saddexda musharrax ee kala ah Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, halka kan labaad uu noqonayo kursiga ay u tartamayaan Saalax Axmed Jaamac oo ah wasiirka dastuurka iyo Ibraahin lidle Saleebaan guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee dalka.

Waxa kale oo kursiga saddexaad ee la sugayo tartankiisa uu yahay midka ay u sharraxan yihiin Cismaan Abokor Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya iyo Cabdikariim Maxamed Xasan oo isna afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyey kursigaasi.

Musharixiinta tartameysa dhammaantood shalay ayey jeediyeen khudbadooda ku aadan doorashada, iyaga oo ballan qaadyo u sameeyey ergada & dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba, doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa muddo waxaa ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn ay heshiis ka gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.