Wasiir ka hadlay dhibaatada ay reer Somaliland ku qabaan baasaboorka Soomaaliga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo shalay jeedinayay khudbadiisa musharaxnimo ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inuu Aqalka Sare usoo wareegsado.

Wasiirka ayaa sheegay inuu Aqalka Sare usoo aaday si uu miiska usoo saaro doodaha masiiriga ah ee Gobolada Waqooyi iyo midka Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka Somaliland ay dhibaato ku qabaan helitaanka Basaaboorka Soomaaliga, taasina ay ka dhalatay dhibaatooyin farabadan.

“Dadka ku dhaqan Gobolada waqooyi waxay dhibaato xoog leh ku qabaan helitaanka Baasaboorka la aqoonsan yahay ee Soomaaliya, waxaa aragnay dadka xanuunsan oo kiliyaha fadhiya oo Muqdisho loo keeno sidii ay Baasaboor u heli lahaayeen, inta loo raadinayo baasaboorkana ay nafta ka baxdo, waxaana rabaa inaan ka shaqeeyo sidii dhibaatadaan looga saari lahaa dadka reer Somaliland oo loo heli lahaa xal siyaasadeed,” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka shaqeeyo sidii dadka Gobolada Waqooyi ay u noqon lahaayeen dhammaantood kuwa wadaniyiin ah oo ka shaqeeya midnimada Soomaaliya isagoo sheegay in siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho aysan kaligood keeni karin Somaliland oo midnimo ogol.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Matalaada Reer Somaliland ee Aqalka sare laga siiyay 11 kursi in ay ku yartahay oo aysan ku filneyn.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay weli aaminsan tahay  inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.