Puntland oo shaacisay sida ay ku xalineyso dilkii ilaalada Deni u gaysteen Maryan

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa sheegtay in ay magdhow siin doonto qoyska gabadhii dhallinyarada ahayd, ee ay habeen hore ciidamadeeda ku toogteen Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa rasaaseeyay gaari ay la socotay Maryan Axmed Maxamed, xilli wadada uu marayay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, G/sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa sheegay in ciidamada ay si aan ku talagal ahayn u dileen gabadhaasi, ka dib markii ay ka shakiyeen wadihii gaariga oo damcay inuu ka cararo ciidamadii amniga sugayay.

“Ninka gaariga waday illaa iyo hadda waxaan fahmi la’nahay sababta uu ciidanka uga soo orday, inuu sasay (naxay) iyo in wax kale ka si noqdeen. Gaariga wadada ayuu taagnaa in laga dhaqaajiyaa la rabay, laakiin gaariga xaggii ciidamada buu ula soo orday.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Ciidankuna rasaas bay huwiyeen, iyagoo ka taxadaraya inuu yahay dadka dhagarqabe-yaasha.”

Taliyaha ayaa yiri “Ninkaasi illaa iyo hadda wuu xiran yahay, waana la baari doonnaa, jawaab baana laga soo saari doonnaa sababta kaliftay inuu ciidanka oo la hadlaya uu haddana xagga ciidanka uu gaariga ula soo ordo, arrintaasi geeri baa ka qorneyd, gabadhaasi baana ku dhimatay. Gabadhaasna arrinteeda waa la dhammeeyay.”

G/sare Maxamed Aadan Jaamac, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa dhanka kale sheegay in Puntland ay qaaday masuuliyadda dilka gabadhaasi, ayna bixin doonto wixii xuquuq ay yeeshaan qoyskeeda.

“Gabadhaasi waxay ku dhammaatay kiiskeedii Dowladda Puntland oo qaadatay masuuliyadda, qaabishayna dadka ehelka ah. Dadkaasi wixii ay xuquuq u yeeshaan dowladda ayaa bixineysa,” ayuu yiri Taliyaha.