Xog cusub oo laga bixiyey sababta uu Jeneral Muhoozi u tagay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka hadlay sababta ka dambeyso safarkii uu Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku yimid Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda (CLF), Sarreeye Guud, Muhoozi Kainerugaba.

AMISOM ayaa sheegtay in taliyaha ciidamada Lugta ee Uganda oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Uganda uu Soomaaliya u booqay si uu u qiimeeyo Shaqada Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo inuu ku bogaadiyo howsha ay hayaan ee Taageeradda Nabadda.

“Lt. Gen. Kainerugaba wuxuu Soomaaliya joogay intii u dhaxeysay 23-kii ilaa 27-kii Sebtember, isagoo tegay xarumaha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah dagaalka Al-shabaab iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay AMISOM.

“Ujeeddada booqashadayda ayaa ah inaan ku bogaadiyo ciidamada howlaha baaxadda leh ee ay ka wadaan Soomaaliya. Marka labaad, waa in lala hadlo oo la dareemo dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wajahayaan ciidamada,” ayuu yiri Lt. Gen. Kainerugaba.

Intii ay socotay booqashadiisa shaqo ee shanta maalmood ah, Lt. Gen. Kainerugaba, wuxuu u tagay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, iyo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana la sheegay inuu kala hadlay hoos u dhigista khilaafka labada mas’uul iyo arrimaha amaanka.

Sidoo kale taliyaha wuxuu la kulmay hoggaanka militariga AMISOM wuxuuna booqday saldhigyo kala duwan oo hore u hawlgala, halkaas oo uu kula falgalay ciidamada Uganda ee jiidaha hore.

“Wuxuu kormeeray ciidamada Uganda ee AMISOM, wuxuuna markii dambe kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Uganda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidamada Uganda, Sarreeye Guuto, Don William Nabasa, iyo Maj. Gen. Lucky Joseph. Kidega, Lataliyaha Difaaca Uganda ee Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Saldhigyad AMISOM ee uu taliyaha booqday ayaa waxay kala yihiin: Carbiska, Ceeljaale, Baraawe, iyo Balidoogle, halkaas oo uu kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa, xirfadda iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshooyinka maxalliga ah maadaama ay gudanayaan waajibaadkooda nabad -ilaalineed.

“Waa inaad fahanto inaad tihiin safiirrada Uganda ee halkan jooga Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo raaciyay, “Ha sameynina wax sumcad -darro u keenaya magaca Uganda iyo UPDF,” ayuu yiri, isagoo la hadlayey ciidamada Uganda.