Sirdoonka Suudaan oo shan askari looga dilay dagaal

Khartoum (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska imaad u dhexeeyey ciidamada siroonka waddanka Suudaan iyo rag ka tirsan kooxda Daacish, kaas oo ka dhacay xaafadda Gabra oo ku taalla koofurta magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee uu dhexmaray iska hor imaadka.

Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii ciidamo ka tirsan kuwa sirdoonka ay howl-gal ku qaadeen xaafadda Gabra, kadib markii ay heleen xogo amni, waxaana marka ay tageen halkaasi ay iska caabin kala kulmay rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Daacish.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi Suudaan looga dilay ugu yaraan 5 sarkaal oo ka tirsanaa sirdoonka dalkeeda, halka mid kalena looga dhaawacay.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda ayaa xaqijiyey in dhankooda ay dileen illaa toban ka tirsanaa kooxda hubeysan ee ay dagaalka la galeen, dad kale oo laga shakisan-yahayna ay gacanta ku dhigeen, kuwaas oo lagu tuhumayo inay ka tirsan yihiin Daacish.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk ayaa ka hadlay weerarkan, isagoo ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dad raba inay qalalaase gelinayaam dalkaasi.

Cabdalla Xamduuk ayaa sidoo kale tacsi u diray ehehllada saraakiisha iyo askarta ku dhimatay iska hor imaadka ay la galeen kooxda hubeysan ee ka dhacay Khartoum.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo 21-kii bishan September uu Suudaan ka dhacay afgembi dhicicsoobay, kaas oo ay ka hortageen ciidanka amaanka ee dalkaasi.