Axmed Madoobe oo sheegay in Rooble uusan qabin karin doorasho hal sabab darteed

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay ka hadlayay kulan uu magaalada Kismaayo kula qaatay qaybaha kala duwa ee bulshada ayaa soo hadal qaaday xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladnimada Soomaaliya ay maanta ku dhisan tahay qori isku dhiib, doorasho in la qabtaana ay muhiim u tahay jiritaanka dowladnimada dalka.

“Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, saan horeyba u sheegayay dowladnimadeedu waxay ku dhisan tahay qori isku dhiib iyo wax la yiraahdo kugu sin, kugu sug. Marka ay doorashadu socoto dadka waa wada cadow, waa la dagaalamayaa, wax baa la’isku hayaa, laakiin marka ay arrintu dhammaato, qof weliba waxaa weeyaan waxa sharciga bisadaha la yiraahdo. Bisaduhu marka ay wax isku haystaan, aad bay u qayliyaan, way jiitamaan, laakiin marka midi ay wixii qaadato wax ka daba hadlayo ma jiro, doorashaduna waa noocaas,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxa Dowladnimada Soomaaliya ee maanta aan abuureynaa, kuna socotaa waa doorashada iyo xilliga kala guurka, mar walba inay doorashada sideeda ku dhacdo. Waxaa nasiib darro ah doorashadii February 8, 2017 inaan maanta mareyno dhowr iyo labaatankii September, 2021, oo ay dhaaftay maanta muddo sanad ku dhowdhow. Waxaad ogaataan xilli kasta oo ay doorashadu jiitanto ama ay wax dhici waayaan xaaladda amnigu waxay ku taagan tahay faro yar-yaroo miskiina, khatar kasta ayay gelaysaa, caqabad kasta ayaa ku imanaysa.”

Axmed Madoobe ayaa xusay inaanay dalka ka qabsoomi karin doorashada la fillayo, inta aanu Ra’iisal Wasaaruhu u madaxbannaaneyn waajibaadkii loo igmaday.

“Doorashadu ma soconayso, haddaanan amniga iyo tiirarka kale iyada wehliya aan gacanta lagu qabaneynin. Ra’iisal Wasaaruhuna shaqo dhinaca la haysto ma qaban karo. Haddii maalin labaad ay bilaabato arrintii shalay dhacday ee Ilaahay naga badbaadiyay, Badbaado Qaran iyo ciidankii gadooday maalinta dambe ee dhacdaa cidina ma xakameyn doonto oo gacantee ka bixi doontaa, laakiin waxaa nasiib darro ah qofka isaga meel uu u cararo haysanin, ee isagu caqabadiina qayb ka noqonaya, intuu wixii jooggaa arkaya ee markaa wax ka qabaneynin,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ku celiyay inaanu Rooble dalka ka qaban karin wax doorasho ah, inta lagu haysto cadaaladda uu u raadinayo qoyska Ikraan Tahliil Faarax.

“Midda Ikraan waxay nasri u noqonaysaa dulmi badan oo la gaystay oo sabab u tahay inay kashifantoo bannaanka ay timaado, middaan kale ee ku saabsan in kiiskan siduu yahay loo qaadana Ra’iisal Wasaaraha tijaabee u tahay isaga naftigiisa. Waxaan oran lahaa Ra’iisal Wasaaroo si cad baa masuuliyadda ummaddani ay kugu dhiibtay, oo lagugu ogyahay, oo kugula shaqeynaynaa ee shaqada aad leedahay intaad qabato, diyaar baan kula nahay, waana kugu garab taaganahay, qofka la dulmiyayna cadaaladda u raadi, gabadha dhibana kiiskeeda maxkamaddii lahayd ee ciidanku ha qaaddo, doorashaduna ha noqoto mid xalaala oo sida ay tahay loo qabto, oo aan la qabanin doorasho mindi daabkeeda la haysto,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.