Cabdirisaaq Waaberi oo loo haysto lacag $515,000 ah iyo dacwado lagu soo oogayo

Gothenburg (Caasimada Online) – Maamulihii hore ee iskuul madax-banaan oo Islaami ah oo ku yaalla dalka Sweden ayaa waxaa loo baarayaa xiriir ku saabsan lacag dhan $515,000 oo la rumeysan yahay in la qiyaameeyey. 

Abdirizak Waberi ayaa waxa uu maamule ka ahaa iskuulka Romosseskolan ee magaalada Gothenburg. Waxaa la tuhunsan yahay inuu maamulayey urur adeeg waxbarasho u fidinayey iskuullada Islaamiga ah ee magaalada.

Waaberi, oo hadda madax ka ah xisbi siyaasadeed ka dhisan Soomaaliya, oo la sheego inuu xiriir la leeyahay ururka Ikhwaanul Muslimiin, ayaa iskuulka laga eryey sanadkan. 

Waxa uu sidoo kale madaxweyne ka ahaa xiriirka ururada Islaamiga ah (Federation of Islamic Organisations), oo dowladda Britain ay sheegtay inuu ahaa garabka Ikhwaanul Muslimiin ee Yurub.

Isniintii, dacwad-oogayaasha maamulka dambiyada dhaqaalaha Sweden ee loo yaqaan Ekobrottsmyndigheten ayaa ku dhowaaqay inay dacwado kusoo oogayaan laba wakiil oo ka tirsan urur xiriir la leh iskuulka. 

“Mid ka mid ah dadka la eedeeyey waa hoggaamiyihii hore ee iskuulka iyo siyaasi,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay Ekobrottsmyndigheten. 

Henric Fagher, oo ah dacwad oogaha ugu sarreeyay maamulka dambiyada ee magaalada Gothenburg, ayaa sheegay in eedeymaha loo haysto eedeysanayaasha ay yihiin “dambiyo waaweyn oo dhanka xisabaadka ah.”

“Tani waxay ku leedahay lacag aad u badan oo dhan 4.5 milyan oo SEK ah ($514,830) oo aan la diiwaan-gelin,” ayuu yiri Henric Fagher. 

“Inkasta oo uu sameeyey dhacdooyin badan oo ganacsi, haddana ururka wuxuu la’aa xiisaabaad.” 

Waxa uu intaas ku daray in dambiga la tuhunsan yahay uu dhacay 2016 illaa 2018. 

“Waxaan go’aan la xiriir dacwad oogis sameyn doonaa dabayaaqada sanadka. Baaritaanka weli waa socdaa, mana ka hadli karo intan ka badan,” ayuu yiri Fagher. 

Abdirizak Waaberi ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey.