Cabdi Xaashi oo sameeyay dallacsiin iyo magacaabis kadib soo jeedinta 33 Senator

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xoghaye guud oo cusub u magacaabay Aqalka Sare.

Wareegto kasoo baxday Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxa uu ku dallacsiiyay una magacaabay Agaasime Cabdinaasir Ibraahim Guuleed xilka Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare.

Magacaabista Xoghayaha cusub ayaa ku timid soo jeedin ay sameeyeen 33 Senator, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare wuxuu xubin muhiim ah ka yahay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna xaq u leeyahay dhamaan xuquuqaha ay helaan agaasimeyaasha iyo xoghayeyaasha guud ee dhigiisa ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Xilka Xoghayaha guud ee Aqalka Sare waa mid joogto ah waxaana xilka looga qaadi karaa ama lagu bedeli karaa oo kaliya si waafaqsan nidaamka shaqaalaha Aqalka Sare iyo shuruucda kale ee dalka.

Xoghayaha cusub oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gedo ayaa bedelaya Xoghayihii hore ee Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac oo xilkaasi hayey intii la dhisay Aqalka Baarlamaanka, wuxuuna ka soo jeeda gobolka Sanaag.