Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku ridday nin QARAXYO badan fuliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale oo ku magac dheer (Sharmaa’arke), kaas oo lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa aasida qaraxyada miinooyinka, islamarkaana uu aasay illaa 7 miino, kuwaas oo uu ku qarxiyay waddadaBuufow Bacaad, jidka Janaale, iyo waddada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Cabdullaahi ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay, isaga oo dhaawac ah, kadib markii uu isku dayay in uu miino ka bixiyo waddada Sabiib iyo Caanoole, markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada midig, sida ay sheegtay maxkamadda.

Ninkan ayaa sheegay in uu Al-Shabaab  ku biiray isagoo 15 jir ah, wuxuuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.

August dabayaaqadeedii ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loogu diray Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo codsaday dacwad qaadista kiiska Cabdullaahi ayaa laga ogolaaday 12-kii Bishii November , waxa ay Maxkamadda la wadaageen qiraalka eedeysanaha. Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) xabsi daa’in sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in xukunsanaha uu weli haysto fursad kale oo uu ku dalban karo racfaan inta sharciga ogol yahay.