Maamulka Gedo oo digniin culus soo saaray xilli ay is-hayaan dowladda federaalka

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargeliyay inaanay gobolkaasi keeni karin dadka aan laga rabin, sida uu yiri.

Gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Gedo iyo shirkadaha diyaaradaha ay nidaam ka lahaayeen arrimaha duulimaadyada, oo ah in warbixinta rakaabka lagu soo wargeliyo maamulka, si looga fogaado dadka loo arko inay halis gelin karaan amniga gobolkaasi, ayna tahay in nidaamkaasi uu sidiisii u shaqeeyo.

“Shirkadaha diyaaradaha, annaga iyo dowladdaba nidaam baan ka lahayn, nidaamkaas asaga ahna inuu shaqeeyo weeye, waxaana weeye annaga cid aanan rabin ama gobolkan u diidayno, lama keeni karo,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Dadku muwaadiniin weeye, waa dad Soomaaliyeed, waana dad xaq u leh inay duulimaadkaas sameeyaan, laakiin wixii ammaan-darro keenayo, waxaan rabnaa in xuduudaha iyo garoonadaba aysan noo imaan baan rabnaa, go’aankaasna go’aan cad buu ahaa.”

Gudoomiye Gareed ayaa ku goodiyay inay shatiga kala laaban doonaan, shirkaddii heshiiskaasi ku xadgudubto.

“Shirkaddii howshaas ayada ah daba marto oo ku xadgudubto, oo aan warbixinta na soo siin, hadde go’aanka aan annaga ku heshiinay wuxuu ahaa inaan ruqsadda kala laabano,” ayuu yiri Gareed.

Gareed ayaa xusay inaanay aqbali doonin in shacabka lagu soo dhex dhuunto, iyagoo u fadhiya tacsida Taliyihii Hay’adda NISA ee gobolkaasi, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan (Bakool Kooke), oo 9-kii bishan lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Degmada Luuq.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka ee marxuum Bakaal Kooke, oo gelinkii dambe ee Jimcihii lagu aasay Degmada Doolow.