Puntland oo qorsheyneysa tallaabo la xiriirta ganacsato Mareykanka soo eedeeyey

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa la filayaa inuu baaritaan ku sameeyo ganacsato ay dowladda Mareykanka xayiraado kusoo oogtay, kuwaas oo lagu eedeeyey inay kooxaha argagixisada ka caawiyaan inay hub soo iibsadaan.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa habeenkii Sabtida xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay qaar kamid ah odayaasha iyo cuqaasha Beesha Cali Saleebaan.

Odayaasha iyo Cuqaasha ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrin ku saabsan liis uu dhowaan soo saaray Maraykanka, kaas oo cuna-qabatayn lagu saaray shakhsiyaad u dhashay beesha oo ganacsato ah.

Shakhsiyaadkaas oo ay ku jiraan Ganacsato ayaa Maraykanku ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish ee ku sugan Soomaaliya, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda u qaabilsan Maraykanka ee The Department of the Treasury.

Madaxweynaha ayaa Odayaasha u sheegay in baaritaan rasmi ah lagu samayn doono arrinta, islamarkaana dowladdu go’aan ka gaari doonto, kadib markii la dhammaystiro baaritaanka, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii goob-jooga ahaa Kulankaas.

Qaar ka mid ah shaqsiyaadkaas ayaa horey eedeymaha Mareykanka ugu sheegay kuwa aan waxba ka jirin, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay Mareykanka la kulmaan, islamarkaana ay qabsadaan qareeno

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan waxba ka jirin eedeynta Mareykanka ee ah shirkadaha la eedeeyey ee ka diiwaan gashan Puntland ay lacag siiyaan kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in sababta liiska Mareykanka loogu daray ay tahay arrin ay ka dambeeyaan dad ay siyaasad iyo ganacsi isku hayaan, kuwaas oo aysan magacaabin.