Cabdi Xaashi oo shaaciyey in nuqul la beddelay oo ah afarta xeer doorasho la horgeeyey golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaca ka qaaday in nuqulka afarta xeer ee dhameystirka doorashooyinka ee la horgeeyey golaha shacabka uusan ahayn kii lagu heshiiyey ee loo soo gudbiyey guddoonka labada Aqal.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in nuqulo been abuur ah oo ku saabsan xeerarka uu soo diyaariyey guddiga loo qebiyey xildhibaanada golaha shacabka.

“Waxaa dhacday in dukumiinti ka duwan nuqulkii loo soo gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee BFS ee la xiriira afartii xeer ee ay soo diyaareen Guddiga Wada-jirka ahaa loo qaybiyay mudaneyaasha Golaha Shacabka 17 June 2020, ka doodistiisana ay haatan ka socoto Golaha Shacabka, laguna baahiyay warbaahinta Dalka,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in nuqulkii rasmiga ahaa lagu sameeyay ku-takrifal sharci-darro ah, oo aad u baaxad weyn, wuxuuna ku eedeeyey guddoonka Golaha Shacabka inay arrintaas ka dambeeyaan.

“Guddoonka Golaha Shacabka waxay qaateen wax aan ku tilmaami karno go’aan siyaasadeed oo sharciyadda ka dilaya nidaamka doorashada Dalka, isla markaana dhaawacaya nidaamka xeer-dejinta Dalka ee ku qeexan Madaxa Aafraad, Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo xeerinaya habraaca xeer dejinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoonka aqalka sare uu ka digayo cawaaqib xumo ka dhalan karo arrintan, isaga oo dalbadan in si deg deg ah loo joojiyo ka doodista xeerkan.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday guddoonka golaha shacabka inuu si deg-deg ah ugu laabto nuquladii saxda ah ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah ee labada aqal.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdi Xaashi. Si aad u aragto nuqulka saxda ah ee Cabdi Xaashi soo bandhigay, Halkan dhag sii.