Xiisada ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland oo cirka isku sii shareertay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland ayaa markale sare usii kacday kadib markii hadalo xanaf leh ay warbaahinta isku mariyeen madax ka tirsan labada maamul.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa shalay sheegay inay iska difaaci doonaan daan-daansi kasta oo uga yimaada maamulka Puntland, xili ay ka dhex aloosan-tahay xiisad xoogan oo mararka qaar horseeda dagaal dhex-mara ciidamada kala taabacsan labada dhinac.

Wasiir Koore ayaa sidoo kale hadalo qalafsan oo aflagaado u muuqday u adeegsaday madaxweynaha Puntland, taasi oo uu ka jawaab celiyay Wasiirka dhigiisa ah ee maamulka Puntland.

Cabdilaahi Timacade, Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa isagoo daba socda hadalka Wasiir Koore luuqad adag ugu soo jawaabay xukuumada Muuse Biixi.

Wasiir Cabdilaahi Timacade ayaa ku hanjabay inuu dhiig daadan doono, haddii ay Somaliland iskaga bixi weydo dhul xuduudkeeda ay ku muransan yihiin labada dhinac, kaasi oo uu sheegay inuu yahay dhul ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa Saleebaan Koore ku tilmaamay nin maqaar saar ah oo dhulkiisa uu ku matalo xukuumada Somaliland lagu guumeysto, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan rabaa inaan u sheego Saleeban in dhulka madaxweyne Deni ka hadlay uu yahay Puntland haddii ay Somaliland iskaaga bixi weydaana uu dhig ku dadaan doono” ayuu yiri Wasiir Cabdilaahi Timacade.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa saka ku arkayey baraha bulshada ceel-biyood laga qoodayey Sool iyo cayn oo u joojiyey wasiirka biyaha maamulkaas una ku tilmaamey sharci daaro, Taasa saleeban ku filaan gumeysiga lagu haayo dadka reer Sool iyo Cayn.

Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan iska dhigo tira baaqyo nabadeed oo laga soo saaro xiisada ka dhex aloosan, iyagoona mararka qaar uu labada dhinac dhex-maro dagaal khasaare badan geysta, kuwaasi oo ku saleysan gacan ku haynta deegaanada xuduudka.