Xiisad dagaal oo ka taagan Galgaduud iyo Galmudug oo ku guul darreysatay…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tagay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Xiisada oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa laga dareemayaaa deegaanka Qalanqalle ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in wafdi ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi ay ku guul darreysteen xalinta xiisada u dhexeysa laba beelood oo ka taagan halkaasi.

Odayaasha labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhaga adeegeen dadaallada Galmudug, iyaga oo ku doodaya in la joojin waayey deegaameysi cusub oo weli ka socda deegaankaasi, kaas oo ay isku hayaan beelaha ay u dhexeyso colaada.

Sidoo kale maleeshiyaadka labada beel ayaa haatan isku horfadhiya qeybo ka mid ah deegaanka Qalanqalle ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in markale uu dagaal ka qarxo halkaasi.

Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa-kaabta dagaallo sokeeye oo u dhexmara maleeshiyaad ku wada sugan deegaanada gobolkaasi.