Xog: Wasiirka gaashandhiga oo shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii wasaaradda

Muqdisho (Caasamadda Online) – Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan.

Warqadda shaqada looga joojiyey agaaasimihii guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga  ayaa Shalay kasoo baxday xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka ayaa Agaasimihii guud ee shaqada laga joojiyey ku eedeeyey takri fal awoodeed, wax isdaba marin iyo xagal daacin la xiriirta arrimaha dib u habeynta ciidamada, inkasta oo wax caddeyn ah aanu soo bandhigin.

Jihaan Cabdullaahi ayaa la sheegaa inay tahay gabar shaqo wanaagsan oo isbeddel weyn oo wanaagsan ku sameysay howlaha wasaaradda muddadii ay xilka haysan, waxaana shaqo joojinta ay noqotay mid lama filaan ah.

Horey waxaa u jiray khilaaf ka dhex-oogan Jihaan iyo xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha, mana cadda in shaqo joojintan ay arrintaas ku lug leedahay iyo in kale.