BF oo loo gudbiyey mooshin ku saabsan kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa loo gudbiyey mooshin xasaasi ah oo ku saabsan kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir.

Mooshinka loo gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa lagu dalbaday in kuraasta Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir la gaarsiiyo illaa 13 kursi.

Mooshinkaan ayaa waxaa saxiixay illa 130 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana guddoomay Gudoomiye Mursal.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa ku doodayo inay lagama maarmaan tahay in Gobolka Banaadir uu helo saami la mid ah kuwa maamul Goboleedyada maadaama Muqdisho tahay Caasimaddii dalka.

Dhawaan ayaa la filayaa in baarlamanka uu cod u qaado mooshinkaan, waxaana jiro olole xooggan oo iska soo horjeedo oo ku saabsan mooshinkaan, waxaana la saadaalinayaa in la ansixin doono maadaama xildhibaanada mooshinka gudbiyey ay wadaan dadaal xooggan.

Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay matalaad ku yeelan doona Aqalka Sare ee baarlamanka, sida ay go’aamiyeen Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddigan, oo ka kooban 14 xubnood ayaa go’aamiyey in Gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho 7 xubnood, waxaana ka hor imaaday siyaasiyiinta kasoo jeedo Gobolka Banaadir taasoo keentay in mooshinkaan Maanta la gudbiyo.