Cabdi Xaashi oo shaaciyey inuu u yeeray Mursal, balse kadib maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u warramay BBC ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Golihiisa iyo kan Golaha Shacabka.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu u yeeray Mursal, si ay uga wada-hadlaan xiisada u dhexeysa labada gole iyo afarta xeer ee lagu murunsan yahay ee dhammeystirka doorashada, balse wuxuu tilmaamay inuu ka diiday, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaase sheegay in wax eed ah uusan laheyn guddoomiyaha Golaha Shacabka, balse wuxuu eeda u jeediyey cid kale oo uusan shaacin.

“Waxaan u yeeray guddoomiye Maxamed Mursal, iima uusan iman, balse isaga eedda ma lahan cid kale ayaa wada.” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday afarta xeer ee muranka badan dhaliyey ee haatan horyaalla Golaha Shacabka, isagoo markale ku celiyey in la bedalay nuquladii ay soo gudbiyeen guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in xeerarkaasi, haddii aan wax laga bedalin aysan wax shaqo ah ku laheyn Golaha Aqalka Sare, islamarkaana aan loo soo gudbi doonin, wuxuuna xusay inay u gaar tahay Golaha Shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inuu ka talinayo in la’isugu yimaado shirweyne ballaaran oo ay dhan yihiin dhinacyada ay quseyso doorashada, sida dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed, si looga hadlo arrimaha doorashada.