Video: Yusuf Xasan: Gudiga doorashooyinka wuxuu ku dhex milmay xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga amniga iyo cadaaladda, Mudane Yuusuf Xasan Mursal oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, islamarkaana ay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay.

Yuusuf Xasan ayaa go’aankooda u sababeeyey in guddiga uu ku sifoobay dhex-dhexaad la’aan ku aadan howsha qaran ee loo igmaday.

Sidoo kale waxa uu shaaciyey inuu ku dhex-milmay laanta fulinta oo ah xukuumadda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha xisbiga amniga iyo cadaaladda ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka daneeyo arrimaha Soomaaliya inay dib u eegis ku sameeyaan dhaqaalaha iyo lacagaha ay siiyaan guddiga doorashooyinka, isaga oo sheegay in guddigaasidhaqaalaha la siiyo lagu bixiyo ku bixiyeen dano gaar ah oo baalmarsan sharciga.

Ugu dambeyn dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aan lagu kalsoonaan karin shaqada guddiga doorashooyinka qaranka, islamarkaana aan lagu aamini karin qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay  ka qabtaan dalka sanadkan 2020 illaa 2021-ka.