Iran oo shaacisay inuu wax weyn iska bedelay xiriirka ay la leedahay Imaaraadka

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa sheegtay in xiriirka ay la leedahay Imaaraadka uu soo hagaagayo islamarkaana ay diyaar u tahay in ay wada xaajood la gasho Sacuudiga, sidaas waxaa Al-Jazeera u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Iran.

TV-ga ayaa wariyay in Yaxya Safavi oo hogaamiyaha sare ee Iran kala taliya arrimaha militariga uu yiri “xiriirka aan la leenahay Imaaraadka waa uu hagaagay, mowqifka ay Abu Dhabi naga qabtana waa uu is bedelay.”

Waxaa uu sidoo kale yiri: “Waxaan diyaar u nahay in aan wada hadal la galno Sacuudiga iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin haddii ay ogolaadaan.”

Safavi ayaa intas ku daray: “Riyadh waa in ay qirataa in ay ku guul darreysatay dagaalkeeda Yemen ayna qaadataa siyaasad cusub….waxa ka dhacaya Yemen waa qalalaase militari oo aan waxtar lahayn, kaas oo Sacuudigu markii hore ay qaaday.”

Tan iyo bishii March ee sanadkii 2015-kii, Sucuudiga ayaa hogaminayay isbahaysi militari oo duqaymo ka fulinayay Yemen ayna doonayeen in ay ku jabiyaan Xuuiyiinta ay taageerto Iran.

Natiijaduna waxay noqotay, in Qaramadda Midoobay ay uga dhawaaqdo Yemen “xasarad bani’aadanimo tii ugu xumeyd ee dunida” taas oo ugu yaraan 80 boqolkiiba dadka Yemen ay gar-gaar u baahanyihiin.