Cabdi Xaashi oo si weyn loogu weeraray halka uu ID-giisa ku qortay inuu ku dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha, kaasi oo ay ka dhalatay fal-celin xooggan.

Cabdi Xaashi ayaa munaasabad kooban oo lagu guddoonsiiyay kaarka aqoonsiga ku tilmaamay in hirgelinta kaarka aqoonsiga dadweynaha uu xal u noqon doono caqabado badan oo bulshadeenna haysta.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku boorriyay golaha xukuumadda in ay dardar-geliyeen dhaqan-galka shuruucda aas-aaska u ah dowladnimada Soomaaliyeed oo ay ansixiyeen Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Arrinta sida weyn loogu weeraray ayaa ah kadib markii kaarka aqoonsiga guddoomiyaha lasoo bandhigay lagu arkay goobta dhalashada oo ay ku qoran tahay Babille, Ethiopia.

Dadka qaar ayaa midaan ku macneeyay wax laga xumaado in aqoonsiga dalkeenna uu kasoo muuqdo dal kale, ama Babille la raacsiiyo Ethiopia” halka kuwa kale ay ku tilmaameen wax caadi ah, maadaama goobta uu ku dhashay guddoomiye Cabdi Xaashi ay hadda maamul ahaan hoostagto dalkaasi.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Abshir Xiis: “Babille Ethiopia! Intaa far baa ku godan.”

Maxamed Jowhar ayaa waxa uu yiri “National ID-ga Soomaaliya wuxuu ogolaaday inay Baabili dhul Soomaaliyeed ahayn oo Ethiopia ka tirsan tahay waa arrin aad looga xumaado run ahaantii.”

“Gobolladii Somaaliyeed oo wrli shisheeyuhu haysto in ID la sameeyo wax micno ah oo ku jira ma jiran ee qandaraskan amay dowladu shisheeye maal-galiyeen,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed.

Nuuradiin Cabdullaahi Cabdinaasir: “Baabile maaha dhul Itoobiya waa dhul Soomaaliyeed da’yar aqoon yari baa u gaysay baan oran lahaa laakiin dadka waayo araga ah sidee ku dhacday inay sameeyaan?.”

Maxamed Axmed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Soomaali inaga cilmi badan dhabtii. ID card ookiyaale lagu galaayo waa ii dhinnaa.”

“Magaalada Babille ma dhul Soomaali leedahay baa? ama waaa dhul Ethiopian ay leedahay waaye,” ayuu yiri Cali Dulmi-diid oo kamid dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Maxamed Dangarad: “Sawir ookiyaale wata oo ID card lagu dhajinayo waa ii kow…”