Cabdi Xaashi oo soo saaray habraaca dooraashada oo ka madax-banaan kan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta soo saaray qoraal uga sii dari kara khilaafka ka taagan dalka, gaar ahaan guddiga doorashooyinka ee gobollada waqooyi.

Qoraalkan oo saddex bog ka kooban ayaa waxaa lagu shaaciyey habraaca iyo sida loo wajahayo doorashada xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda Somaliland.

Sidoo kale warqadan ayaa waxaa lagu sheegay in la soo saaray, iyada oo laga jawaabayo walaaca iyo kalsooni darrada ay ka qabaan musharraxiinta kuraasta baarlamaanka iyo musharraxiinta madaxweynaha ee doorashada 2020/21, lana raacayo heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo & dowlad goboleedyada.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale shaaciyey shuruudaha laga rabo xubnaha lagu soo xulayo guddiyada doorashada xildhibaannada labada aqal ee gobollada waqooyi ee dalka, isaga oo ku xiray illaa 9 shardi oo laga doonayo qofka ka mid noqonaya guddiga, waxaana ka mid ah:

1 – In uu yahay muwaadin kasoo jeeda gobolada Waqooyi da’diisuna ka yareyn 25 sano kana weyneyn 70 jir.

2 – In uu leeyahay Aqoon Heer Jaamaceed ah.

3 – In uu yahay qof dhex-dhexaad ah oo aan kamid aheyn, Urur, Xisbi Siyaasadeedama lagu aqoon in uu sigaar ah ugu ololeeyo musharax gaar ah.

4 – In aanu kamid aheyn Shaqaalaha dowladda  ee rasmiga ah iyo kuwa kumeel gaarka ah, lataliyeyaasha Xafiisyada dowladda ama Ciidamada Qaranka qeybahooda kala duwan.

5 – In lagu yaqaano dhowr sanaan , hufnaan Sharaf & Cadaalad Bulshada dhexdeedee, horayna aan loogu arag musuq maasuq iyo anshax-xumo.

6 – In caafimaad aahaan uu gudan karo xilka iyo waajibaadka Shaqo.

7 – In uu leeyahay khibrad maamul/ Shaqo oo ana ka yaeryn Saddex Sano.

8 – In uusan aheyn musharax u taagan xilka goleyaasha ama kaid aheyn ergooyinka doorashooyinka

9 – In aaneyn Maxkamad ku xukumin fal-dambiyeed muteysanayo Shantii sano ee ugu dambeeysay.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ee gobollada waqooyi loo marayo habraacii doorashadii 2016-kii, halka kuwa aqalka sare ay dooran doonaan illaa 77 ergo ah.

Arrintan ayaa uga sii dari karta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada dalka, gaar ahaan sida loo wajahayo dhismaha guddiyada doorashooyinka ee 2020/21-ka.