Somaliland oo MUQDISHO u musaafurisay lamaane ‘faafinayay Kirishtanka’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya u musaafurisay lamaane ay ku eedeysay inay faafinayeen Kiristaanka.

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa lamaanahaasi kasoo qabtay magaalada Hargeysa, iyaga oo xabsiga u taxaabay 21-kii September, kadib markii gurigooda laga helay qoraalo iyo dukumentiyo badan oo la xiriira Kiristaanka.

Lamaanahan ayaa lasoo warinayaa in dhowr jeer la horgeeyay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, taasi oo ugu dambeyntii go’aamisay in loo musaafuriyo magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ninku kasoo jeedo koonfurta Soomaaliya, halka Haweenaydu ay iyaduna kasoo jeedo Somaliland, taasi oo keentay in loo musaafuriyo caasimada dalka.

Waxa uu xariga lamaanahan qaatay muddo bilooyin ah, iyada oo wakiilo ka socday dowladaha reer Yurub ay cadaadis ku saaren in xukuumada Somaliland ay sii daayan lamaanahan, taasi oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay go’aanka lagu musaafuriyay.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay gudaha Somaliland kusoo badanayaan faafinta Kiristaanka, iyada oo kal horena xubno lagu soo eedeyay faafinta Kirishtanka ay xukuumada Somaliland u taxaabtay xabsiga.