Cabdikariim Guuleed oo ka hadlay sababta uu ugu biiray ololaha CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhoweyd farriintii ugu horeysay u diray taageerayaashiisa.

Cabdikariim Guuleed ayaa ku booriyay taageerayaashiisa inay ololaha maalmaha kooban ku garab istaagaan hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay kasoo wada jeedaan beesha Habar-gidir.

“Dib-u-dhiska dalkeenu iyo horu-socodkiisu wuxuu u baahan yahay wada-shaqayn iyo isu-tanaasulid. Bulshadan burburtay waxa ugu wayn ee dawlad dhiskeeda loo samayn karo waa xoojinta kalsooni abuuris,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu garab siinayo sidii dalka uga dhici lahaa isbedel, islamarkaana uu dhisayo Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo loolan adag kula jira musharaxiin badan oo u taagan xilka madaxweynaha.

“Dalku wuxuu soo maray shantii sano lasoo dhaafay is qab-qabsi iyo kala irdhoobid xoog leh. Wuxuu u baahan yahay isbadal mug leh oo xasiloonidii soo celiya. Waxaa qayb kasii ahaanaya isbadalkaas waxaana garab taaganahay Walaalkay Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Ballanteenu waa Midnimo iyo Horumar.”

Tallaabada uu qaaday Guuleed ayaa ku timid cadaadis xoogan oo kaga yimid madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, Siyaasiyiin iyo Ganacsato kasoo jeeda beesha Habar-gidir, iyo xaqiiqda ah in ololihiisa doorasho uu ahaa mid aan saldhig adag laheyn.

Guuleed ayaa tanaasulkiisa kadib waxa uu hadda si xooggan uga shaqeyn doona sidii uu taageero ugu raadin lahaa Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba, tanaasulka Guuleed wuxuu tusaale u noqon doonaa musharaxiin badan oo aan rajo laheyn balse caqabad ku noqon kara fursadaha musharaxiinta ku beesha ah, si gaar ahna kuwa beesha Abgaal.