Sawirro: Rooble, CC Shakuur, Guuleed iyo xildhibaanada Habar-gidir oo kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdikariim Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal, kaasi oo looga hadlay xoojinta ololaha Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sida uu shaaciyay Musharaxa waxaa kulanka u daarna sidii awooda la isugu geyn lahaa ololaha Musharax Cabdiraxmaan, xilli uu goor sii horeysay u tanaasulay Cabdikariim Guuleed.

“Kulan daba socday kii xalay aan la yeelanay Madaxweynaha Galmudug, anig iyo walaalkeey Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa maanta la yeelanay Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka nagu metala,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray qoraalkiisa Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Wuxuu kusoo dhamaaday guul, waxaana lagu ballamay in awooda la isugu geeyo ololahayga.”

Kulanka maanta ayaa imanaya xili ay beesha Habar-gidir riixayso Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay isugu geynayso awoodeeda, xili ay maalmo kooban ka harsan tahay doorashada madaxweynaha.

Cabdikariim Guuleed ayaa ka haray tartanka doorashada, isaga oo u tanaasulay Cabdiraxmaan, kadib cadaadis xoogan oo kaga yimid madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, Siyaasiyiin iyo Ganacsato kasoo jeeda beesha Habar-gidir, iyo xaqiiqda ah in ololihiisa doorasho uu ahaa mid aan saldhig adag laheyn.

Guuleed ayaa tanaasulkiisa kadib waxa uu hadda si xoogan uga shaqeynaya sidii uu taageero ugu raadin lahaa Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Tallaabadan ayaa waxay tusaale u noqoneysa musharaxiin badan oo aan rajo laheyn balse caqabad ku noqon kara fursadaha musharaxiinta ku beesha ah, si gaar ahna kuwa beesha Abgaal.