Xog: Koox xildhibaano ah oo isku duuban oo ku biiray madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox xildhibaano ah oo ka kooban labada Aqal ee baarlamanka ayaa xalay ku biiray xildhibaanada taageersan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xildhibaanadan oo tiro ahaan lagu sheegay 24 ayaa dhammaantood ah xildhibaanada labada aqal ku matala Somaliland, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xildhibaanadan ay hoggaaminayeen wasiirka dastuurka Soomaaliya Senator Saalax Axmed Jaamac, xildhibaan Biixi Iimaan Cige iyo Axmed Cusmaan Diiriye.

Go’aanka xildhibaanadan ayaa yimid kadib maalmo ay xildhibaanada Reer Waqooyiga ka fakarayeen musharax ay isku raacaan inay taageraan balse la heli waayey mowqif mid ah, taasi oo keentay in kooxdan ay gaaraan go’aankan ay ugu biireen dhanka Xasan Sheekh.

Si kastaba wararka ayaa sheegaya inay hadda socdaan wada-hadallo kale oo xildhibaano dheeri ah oo ka mid ah kuwa Reer Waqooyiga loogu soo biirinayo dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkasta oo aan la hayn tirada rasmiga ah.

Sidoo kale, xildhibaano lagu qiyaasay dhowr iyo toban oo ka mid ah kuwa Koonfur Galbeed ayaa iyagana xalay u jabay dhanka madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo sii kordhisay taageerada madaxweynihii hore.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa hoggaaminayey Xasan Cabdinuur oo dhowaan looga adkaaday xilkii guddoomiyaha golaha shacabka.

Wararka naga soo gaaraya ololaha doorashada ayaa sheegaya inay sii kordheyso dardarta ay xildhibaanada ugu biirayaan dhanka madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana lagu warramayaa inay wareegga koowaad ee doorashada ugu cod badnaan doonaan isaga iyo madaxweyne Farmaajo, inkasta oo aany hubneyn sida ay u kala hormari doonaan.

Sababta ay xildhibaano badan ugu goosanayaan dhanka Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay inay tahay ayada saadaasha iyo dardarta xagiisa u badatay maalmihii tegay, sidaas darteedna ay xildhibaano badan doonayaan inay kusii dhowaadaan.